Wararka ka imaanaya Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in qarax Miino lala beegsaday Taliyihii Ciidamada Milateriga ee degmadaas, xii uu saarnaa gaari.
Taliyaha ayaa lagu magacaabayay Col. Cumar Macalin Xasan, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay markii miino wadada dhinaceeda la dhigay lala eegtay gaarigii uu saarnaa sida Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda ay u sheegeen warbaahinta.
Qaraxa lala eegtay gaariga Taliyaha ayaa waxaa daba socotay weerar ay koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen kolonyada uu la socday Taliyaha oo maraysay duleedka Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Taliyaha iyo labo askari, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera.
Degmada Qansaxdheere ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, iyagoo jaray waddooyin gala degmadaas, waxaana degmadaas ay sahayda iyo saanada ciidanba ku tagtaan diyaarad.
