Nin Dilay Odayaal iy Labo Ruux oo Walaalo ahaa oo La Qabtay

0

Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land ayaa gacanta ku dhigay Nin Odayaal iy Labo Ruux oo walaalo ahaa ku diley Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubba-da Hoose Heybe Axmed C/laahi  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Jubba-land ay ku guuleysteen qabashada ninkaas xili uu doonayay in uu ka gudbo xadka u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya.

“Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land ayaa Degmada Dhoobley ku qabtay, Nin Odayaal iyo Labo Ruux oo walaalo ahaa ku diley Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose, haatan wuu xiran yahay, waxa uu doonayay in uu u gudbo dhanka dalka Kenya, xogta ninkaas ku aadan waxaa inoo soo gudbiyay Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose”, ayuu Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Dhoobley Heybe Axmed C/laahi.

Ninka gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in dhawaan uu Odayaal iy Labo Ruux oo walaalo ahaa ku diley Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose, islamarkaana lagu guul dareytay in gacanta lagu dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here