Jeneraal Subagle:-“Shacabka iyo Al-shabaab Ayaan Kala Saari La’ Nahay”,

0

Jen, Cusmaan Nuur Subagle  Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay in taliska AMISOM ee Soomaliya  ay kala saari la yihiin Shacabka Soomaliyeed iyo dagaalyahanada Xarakada  Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalanta.

Subagle oo ka hadlayay kulan tababar loogu furayay Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in xilligan 89% ay xor yihiin magaalooyinka gobolad adalka, hase ahaatee waddooyinkii isku xiri lahaa ay xiran yihiin, taasi ay dusha loogu tuurayo Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in ay yihiin shacabka kuwa e ek.

“Waxaa uu sheegay inay la dagaalamayaan cadaw soomaali u eg, Afsoomalai ku hadla, dhulkana yaqaana, isagoo xusay inay haatan kala saari la’yihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Al-Shabaab, taasna ay keentay in howl galka AMISOM uu dheeraado, waxaa la dagaalameynaa cadaw soomaali u eg, afsoomaali ku hadla, Soomaali inta badan u dhashay dhulka jooga, waxaa kala saari la’nahay shacabka soomaaliyeed iyo alshabaab, waddooyinka la furayo intee qiimo nagu joogana safar kasta 20 qof hadaad dirto, waxaa suura gal ah 19 ayaa dirqi ku tagto deegaanka”ayuu yiri Jen. Subagle.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab  ee Soomaliya ka dagaalama ayaa go’doomiyay deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo jidka u gala kolonyada ciidamada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here