Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubba-land waxaa maanta ka dhacay kulan dhexmaray Wasiirada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo Wasiirada labada dhinac ay si koox koox ugu kulan san yihiin.
Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor inta uusan furin shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa uu ku amray Wasiiradiisa inay la kulmaan dhiggooda Jubbaland, taasoo ah arrin layaab oo uu iskula meel dhigay Wasiiradii Qaranka iyo kuwii maamul goboleedyada.
Kheyre ayaa sheegay in shirkan uu hordhaca uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah uu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulanka goob joog ka ah, wuxuuna soo dhoweeyay in kulan ay wada qaataan Wasiirada labada dhinac ee Dowladda Dhexe ee wasiiradiisa.
Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si loo dar dar geliyo shaqada.




