Galinkii dambe ee Maanta waxa uu qaraxa Gaari loo adeegsaday uu ka dhacay qeybo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ahaa Nooca Soomalida ay u taqaano Dheynaha, jugta xoogiisa ayaa laga maqlay deegaanada ku teedsan deegaanka Siinkadheer ee Duleedka Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga xiliga uu qarxayay uu ku jiray meel Parking (goobta gawaarida la dhigto)kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabteen, ayna baarayeen.
Dhanka kale Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxaana la sheegay in uu gaariga qarxay xili uu ku socday baaritaano waxana lagu soo waramayaa in ay waxyeelo geystay.

