Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta ansixiyay Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada.
“Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo Xeerkan Saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedelo sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufigu uu heystaa shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobyo kale oo ka mid ahaa Xeerkan.”ayuu yiri Wasiir Eng. Yarisow
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-Goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso. Tanoo keentay in qodobada la isku raacay lagu bedelay kuwii cabashooyinka ka timid.

