Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay dhalinyradda Soomaliyeed in ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa Nabada iyo Xasiloonidii ka jirtay dalka.
Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyradda Soomaliyeed in ay ku daydaan dhalinyaradii dalkaan soo gaarsiisay nabadda iyo xurnimadda kuwaasi oo xiligii ay u dagaalamayeen xurnimadda aysan haysanin aqoonta ay haatan haystaan dhalinayradda maanta joogto.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya uu hogaamiyo in dhalinyaradda Soomaliyeed ay ka taageeri doonto wax walba ay u baahan yihiin, islamarkaana ay meesha ka saari doonto firkaradaha qaldan ay aaminsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
“Dhalinyarro waxaan idin leenahay dalkaan waxaa nabadda iyo midnimadda soo gaarsiiyay dhalinyradda idinkoo kala ah,waxaaan idin kaga fadhinaa sidaas oo kale,waxaa laydin ka doonayaa in aad u istaagtaan sidii loogu adkaan lahaa dhalinayrada idinkoo kala ah ee Shabaab kamidka ah, qabiil uguma hortagi karno dhalinyaradda Shabaab kamid-ka ah”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

