C/laahi Sheikh:-“Halaga Fogaado Khilaaf Saameyn Ku Yeesha Dowladd Cusub”,

0

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in laga fogaado khilaaf saameyn ku yeelan kara Dowladda Federaalka Soomaliya.

Xildhibaan C/laahi sheekh ismaaciil oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya, oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ugu baaqay Xildhibaanada qaar ee kasoo horjeeda Xukuumadda Raiuslwasaare Xasan Cali Kheyre in ay usoo jeystaan sidii Soomaliya loogu samata bixin lahaa dhibaatooyinka ay ku jirto, wixii Khiilaaf ah ee ka jira lagu xaliyo wada-hadal.

“Wixii Khilaaf ah ee jira waxaa In lagu xaliyaa Miiska wada-hadalka, waaan haysanaa Dowladd Cusub oo Shacbaka Soomaliyeed ay jecel yiihiin, xildhibaanada kasoo horjeeda Dowladda Cusub ee mooshinka kawada Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre waa in ay ka laabtaan mooshinkooda,wixii jirana lagu xaliyo wada-hadal”, ayuu yiri Xildhibaan C/laahi sheekh ismaaciil.

137-Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa dhawaan shaaciyay in Mooshin ay ka gudbin doonaan Raisulwasaare Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre,waxayna ku eedeeyeen siyaasad Xumo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here