Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Ciidamada Daraawishta Puntland ee Gobolkaas ay gaareen tuulada Karimo oo 45-km u jirta magalaadaas, halkaasi oo la sheegay in kooxda Daacish nin shacab horay dil ugu gaysatay.
Guddoomiyaha degmada Qandala ee Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay gaaritaanka ciidamada ee deegaankaasi inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka iyo ka bixista kooxda Daacish.
Wuxuu ugu baaqay Gudoomiyaha Shacabka Tuulada Karimo oo u dhow Degmada Qandala inay la shaqeeyaan Maamulka puntland iyo sidii kooxdan looga saari lahaa meelaha ay joogaan.

