Lacagta Shilin Soomaaliga oo La Diiday in Laga Isticmaalo Beledweyne

0

Magaalada Beledweyne caasimadda Gobolka Hiiraan waxaa ka dhaqan galay amar kasoo Baxay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo ku adanaa in aan laga isticmaali Karin Magaalada Lacagta Shilin Soomaaliga.

Mid kamid ah Ganacsatada ku Sugan Magaalada Beledweyne oo saakay la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caqabad weyn ay jirto,islamarkaana lacagaha haatan la isticmaalo ay yihiin kuwa Dolllar gaar ahaan kuwa EVC Plus-ka.

“Lacagtii Shilin Soomaaliga ee laga isticmaali jirey Magaalada Beledweyne, gabi ahaanba waa la mamnuucay, lacagaha wax lagu kala badashao waa Dollar gaar ahaan EVC Plus, tusaale ahaan hadaad u baahan tahay in aad 8-Kun wax ku gadatid waxaa tuureysaa $0.5, kadib lacagta kuu hartay waxaa ku qaadanaysaa waxyaabo yarooti ah”, ayuu yiri mid kamid ah Mid kamid ah Ganacsatada ku Sugan Magaalada Beledweyne.

Dhanka kale Maamulka magaalada Beledweyne ee Hir-shabeelle aynu la xiriirnay ayaa sheegay in arintaan ay ka war qabaan islamarkaana ay saacadaha soo socda ay ka hadli doonaa go’aanadda laga soo saaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here