Inta la xaqiijiyay 28 Ruux Soomaali oo Tahriibayaal ahaa ayaa Soomaaliya Dib loogu celiyay kadib Markii Poliska dalka Turkiga ay ka qabteen Gudaha dalkaas.
Dadka la soo celiyay ayaa mudo Labo bil ah Xabsi ku qaatay Gudaha Turkiga, iyadoona Xusid Mudan in Dadkaasi ay Markii hore ay Turkiga ay ku yimadeen lacag Dhan $8,000 sida booliska ay sheegeen.
Diyaarad ayaa kasoo qaaday Magaalada Istanbul Waxay Transit Dhowr sacadood ah ay ku qateen Magaalada Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka kadib Markii ay Boos ay ka wayeen Flightkii Toos Muqdisho usoo aadayayay Saakay Magaalada Hargaysa ayaa laga Dajiyay .

