War Deg Deg:-Col Ka Tirsanaa CXD Soomaliyeed oo Goordhaweyd la Toogtay

0

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay galabta Hoygiisa ay ku dileen Col C/rashiid Bare Gurxan oo ka Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in Col-ka ay hoygiisa  ku weerareen islamarkaana ay dhowr xabadood ku dhufteen taasina ay keentay dhimashadiisa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in rasaas xoogan laga maqlay hoyga Col islamarkaana ay dableydii dilka geystay ay goobta isag baxsatay.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda FederaalkaK Soomaliya waxayna baadi-goobayaan ragii ka dambeeyay dilka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here