Ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa Haweeneey 40-jir ah Kufsi iyo Jirdil ugu geystay duleedka Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Maxamed Nuur Cali oo ah adeerka Gabdha la kufsaday ayaa idaacadda Simba ee magalada Muqdisho u sheegay in Gabdhiisa ay Kufsi iyo Jirdil ugu geysteen Ciidamada Ethopia islamarkaana haatan ay dareemayso dhibaatada loo geystay.
“Waxaa dhacay walaalow waxaa la kufsaday Gabar aan adeer u ah oo la yiraahdo Sahro Maxamed Cali, duleedka Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayay xoolo ku raacaysay, ciidamo Ethopian ah ayay la kulantay iyadoo xoolo la socotay, Sarkaal Ethopian ah ayaa u wacay iyadoo xoolaha raacaysa way u taktay wayna iska canaaatay, kadib waa uu ka daba tagay jirdil ayuu u geystay tooreey ayaa la dhacay kadibna wuu kufsaday hada isbitaal ayaa la geeyay dhibaatto ayay dareemaysaa Gabadheyda”, ayuu yiri adeer Maxamed Nuur Cali.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno Mas’uuliyiinta Magaalada baydhabo si aan wax ugu weydiino arinta lagu eedeeyay Ciidamada Ethopia.

