Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta duhurkii ka dhacay xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Axmed Carab oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qarxa lala beegsaday dad shacab ahaa oo iska ganacsanayay oo masaakiin ahaa, islamarkaana Al-shabaab ay u soo jeysteen sidii loo leyn lahaa shacab Soomaliyeed.
“Qaraxa ayay Al-shabaab la beegsadeen xarunta Degmada Wadajir waa goob loogu adeego shacabka Soomaliyeed, waxay geysteen qasaaro badan, maanta shabaab waxa ay beegsanayaan ma ahan Madaxweynaha, Raisulwasaareha, iyo wasiir, waxa ay beegsanayaan waa shacabka Soomaliyeed,waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaliyeed in ay meel ugu soo wada jeestaan Al-shabaab-ka usoo jeystay leynta Shacabka Soomaliyeed”, ayuu yiri Axmed Carab.
Sidoo kale Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaliya Axmed Carab ayaa sheegay In markii Al-shabab laga soo xirey wadooyinka muhiimka ah ay usoo jeesteen sidii ay qaraxyo ay kaga geysan lahaayeen goobaha shacabka ay isugu yimaadeen.
Inta la xaqiijiyay 11-qof ayaa ku dhimatey oo la kala garan La’ yahay Meydadkooda,22 kalena way ku dhaawacmeen oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada kadib markii qarax gaari Caasi ah laga soo buuxiyay lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta degmada Wadajir.
Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab.

