Xildhibaano Saxiixay Mooshin Ka Dhan ah Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre

0

Ilo Lagu Kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka Sare ay mooshin ka gudbiyen Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo la magacabay bishii February ee sanadkaan 2017-ka.

137-Xildhibaan oo ka Tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaliya  ayaa saxiixay mooshinka laga keenay Raisulwasaraha Soomaliya  Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada Mooshinka  saxiixay  ayaa ka kala tirsan xibsiyadda kala ah Dajir,iyo Dam-jadiid, waxanaa hogaaminaya  Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi oo ah nin inta badan soo abaabula Mooshinada Madaxda markaas xilka haysa.

Xildhibaanada ayaa Raisuwasaare Kheyre waxa ay ku dhaliilsan yihiin  qaabka ay u shaqeyso xukuumaddiisa,sidoo kale Xildhibaanada ka tirsan baarlamanka Soomaliya waxa ay ka xun yihiin  fargalinta la sheegay in uu  uu Raisulwasaaraha ku haayo shaqada wasaaradaha qaar.

Sida aan ku helyno wararka Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa isku balansaday marka laga soo laabto Fasaxa oo ku aadan Iida Kadib, oo furmi doono Kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka Todobanaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here