Wafdi uu hogaaminaayo raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar.
Wafdigaan Raisulwasaaraha waxaa kamid ah qaar kamid ah Golihiisa Wasaarada iyo mas’uuliyiinta kale waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalaas kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan Dowladda Qatar.
Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu casuumay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan hey’ado caalami ah, siyaasiyiin iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha.
Madasha Doxa Forum ayaa socon doonta 14-15 May ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta, degenaanshaha iyo qalalaasaha qaxootiga, waxana furi doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa shirka si rasmi u furi doona, sida ku cad jadwalka shirka.


