Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaradaha dagaalka Dowlada Kenya ay goordhaweyd duqeeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada kalbis ee Gobolkaas.
Goob-joogayaal ku sugan Tuulada kalbis ee Gobolka Gedo ayaa idaacadda Simba u sheegay in dhowr Gantaal lagu tuuray Saldhiga Al-shabaab ay hlkaas ku leeyihiin balse aysan ogeyn qasaaro ka dhashay duqeynta.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Kenya iyo Xarakada Al-shabaab oo loogu Hadlaayo duqeynta ka dhacday Gobolka Gedo.

