Gaas:-Beesha Caalamka Yaysan Jahwareerin Shacabka Soomaliyeed”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka qeyb galay Shirkii loogu hadlaayay arrimaha Soomaliya ee magaalada London ayaa beesha caalamka uga digay inay jahwareeriyaan ummadda Soomaaliyeed, iyagoo ku mashquulinaya shirar aan wax natiijo ahi kasoo baxayn.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa sheegay Soomaaliya inay haatan midaysan tahay islamarkaana ay mowif mid ah la tageen shirkii Magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska , wuxuuna caalamka ka dalbaday inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda taageerida dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in shirarkii London ee horey loo qabtay noqdeen kuwo fashilmay oo aan waxba kasoo kordhin, laakiin wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirkaan cusub inuu yeelandoono miro dhal wanaagsan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here