Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dowladiisu aanay waqti lumin doonin sidii ay uga dhabeyn lahayd hirgelinta ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horeyaan saddex arrimood oo kala ah, dagaalka Al-shabaab, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo ku nuuxnuuxsaday aragtidiisa ku aaddan sidii loo hirgalin lahaa saddexdaas arrimood, oo ay ugu horeyso dhisidda hey’addo dowli oo awood iyo tayo leh kuwaas oo diiradda saari doona sugidda amniga iyo dowladda inay hormuud u noqoto hannaanka dowlad wanaaga.
Wuxuu sheegay madaxweynaha in ahmiyad weyn uu siin doono sidii Soomaaliya ay uga soo dhalaali lahayd booska ay ku leedahay caalamka iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxan aaminsanahay in ganacsiga iyo maalgashigu ay ka mid tahay waxyaalaha dhimi kara saboolnimadda isla markaasna abuuri kara fursado shaqo.

