Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Magaalada London kaga qeyb galay Shirkii loogu hadlayay arrimaha Soomaliya ayaa seegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay soo mareen waqti ay ku dagaalamayeen oo kaliyah AK47 ayna u suurta gashay in ay ka guuleystaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku aamanay Shacabka Somaliyeed Taageerada ay la garab taagan yihiin dowladooda isagoo sidoo kale ku tilmaamay in ay kasoo qeyb qaateen in laga guuleysto Xarakada Al-shabaab oo xili inta badan badan mamulaysay degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir.
Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in la joogo xiligii la qaadi lahaa cunoqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran si ay ciidamada Soomaaliyeed u helaan qalab tayo leh oo ay kula dagalamaan Xarakada Al-shabaab. Wuxuu intaa ku daray inay kala shaqeynayaan Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya sidii loo jeexi lahaa khariidad qeexan oo suurtaglisa in cunaqabateynta hubka la qaado.

