Farmaajo:-Dowladayda Waxay Dhisi Doontaa Hay’ad Qaran oo U Adeegta Qurbajoogta Soomaliyeed”,

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) oo maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayey kaalinta qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladiisa ay  dhisi doonto hey’ad qaran oo qurbajoogta u adeegta.

Madaxweyne farmaajo ayaa ku amaanay qurba-joogto Soomaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka Soomaliya,wuxuuna ku buuriyay in ay sii laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan in Soomaliya ay dib ugu soo laabto sharaftii ay laheyd.

Mar uu ka hadlayey Madaxweyne farmaajo caqabadaha heysta bulshada rayidka madaxweynaha waxaa uu sidoo kale sheegay in ay dowladda Soomaliya  ka taageeri doonto sidii wax walba loogu fududeyn lahaa.

11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah waxaa Magalada London ee dalka Ingiriiska ka Furmi doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here