Akhriso:-Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Diiday Ansixinta Sharciga Dowladaha Hoose

0

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo kulan maanta ku yeeshay magaalada Baydhabo Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas  ayaa wasaaradda Arrimaha gudaha ku celiyay sharciga dowladaha hoose, kaasi oo dhowaan wasaaraddu u gubisay baarlamaankaasi.

Kulanka loogu doodayay sharcigaas  waxaa soo xaadiray 66-mudane, Codeynta oo gacan taag ahayd ayaa waxaa kahor yimid in sharcigaan la meelmariyo 35 mudane, waxaa aqbashay 28 xildhibaan, halka 3 xildhibaan ay ka aamuseen.

Intaas kadib Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya ayaa sheegay in sharcigaan dib loogu celiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Dowladda Goboleedyadda koonfur Galbeed Somaliya,islamarkaana la dooonayo In wax ka badal lagu sameeyo.

Qodobada sharciga  dowladaha hoose ku qoran waxaa kamid ah in dhammaan maamullada deegaannada K/galbeed aan lasoo magacaabi doonin oo shacabka iyagu dooran doonaan ciddii ay rabaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here