Dr Nuur:-‘Madaxda Dalka iyo Aniga Sharciga Ayaan Ku Kala Baxaynaa”,+Dhageyso

0

Dr Nuur Faarax Jimcaale Hantidhowrihii qaranka Soomaliya oo dhawaan ay xilka ka qaadeen Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya islamarkaana uu meel mariyay madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa madaxda Dowladda Soomaliya ku eedeeyay si sharci aheyn ay xilka kaga qaadeen.

Dr Nuur Faarax Jimcaale Hantidhowrihii qaranka Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shalay si awood ah xilka loogu wareejiyay ku-xigeenkiisa Dr Abuukar, islamarkaana uusan joogin halka ay ka dhacday xil wareejinta sidoo kalana la jabiyay xafiiska Hantidhowrka oo uu sheegay in ay u yaalaan Ducumentiyo uu isaga shaqsi ahaan u lahaa.

“Sifada loo maray xil qaadisteeda waxay aheyd mid qaldan awalba, iyadoo ay ku tunteen madaxda dowladda Soomaliya,taasi oo ay jirto ayaa hadana waxaa xilkayga lagu wareejiyay ku-xigeenkayga, meesha xil wareejinta ay ka dhacday maanan joogin,waxaan haystaa qodobo sharci ah “, ayuu yiri Dr Nuur faarax Jimcaale.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Hantidhowrihii qaranka Soomaliya Dr Nuur faarax Jimcaale waxaa jirey muran ka dhex taagtaan madaxda dowaldda Soomaliya,xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in hantidhowrka ay xilka ayaga ka qaadi karaan.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ayaa xilkii ka qaaday bishii aynu soo dhaafay Hantidhowrihii qaranka Soomaliya Dr Nuur faarax Jimcaale kadib markii ilaaladii ay dileen Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaliya Ala Ha U Naxariistee Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here