Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u magacaabay gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Mareeye ku-xigeenka Dekadda Magaalada Muqdisho.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa lagu magacaabay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) in uu noqdo Mareeye ku xigeenka Dekadda Magaalada Muqdisho,kadib markii dhawaan laga qaaday xilkii gudoomiye ku xigeenkii hore Gobolka Banaadir.
Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu sheegay mid lagu qancinaayo beelaha Somaliyeed qaarkood oo saluugay sida aysan u helin xilal muhiim ah.

