Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo la kulmay madaxweynaha Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay Peter Thamson ayaa kala hadlay in kor loo qaado taageerada Qaramada midoobay ay ku bixiso dadaalada nabadeed ee Soomaaliya.
Uhuru Kenyatta ayaa xusay in ciidamada howlgalka nabad ilaalin u jooga Soomaaliya ee AMISOM ee taageerada siinaya dowlada Federalka ee Soomaaliya in door muhiiim ah ay qaadan karaan hadii Qaramada midoobay ay kordhiso taageerada ay ku bixineso howlgalka AMISOM.
Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu tilmaamay in midowga yurub ay ku aamanantahay doorka ay ka soo qaadatay howlagalka AMISOM balse in hadda qaramada midoobay ay la wareegtay mas’uuliyadda howlgalka taageerada AMISOM.
Warkan ka soo baxay madaxweynaha dalka Kenya ayaa imaanaya iyadoo uu ka qeyb gali rabo shirkii saddexaad ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo dowlada Kenya ay la’tagi doonto ajandayaal ay kamid tahay la dagaalanka Xarakada Al shababaab.

