Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta Magaalada muqdisho ka Furey Shir loogu hadlaayo dib U Eegis lagu sameynaayo Xeerka Saxaafada Soomaliya iyo Qodobo Quseeya Warbaahinta Gaar ah.
Shirkaan waxaa ka qeyb galay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaliya iyo wasiiradda Warfaafinta Maamul Goboleedyadda dalka ka jira, intuu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobo u baahan In wax ka badal lagu sameeyo iyo Qodobo Quseeya Warbaahinta Gaar ah.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa dhawaan sheegay in wasaaradiisa ay dib u eegis ku sameynayso Xeerka Saxaafadda oo ay wariyeyaashu cabasho ka keeneen qodobbo ku jira.

