Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Mxaxamed (Farmaajo) aaya maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Madaxeynaha Cusub ee Maamulka Galmudug State axmed Ducaale geelle (xaaf) oo shalay soo gaaray Magaalada muqdisho.
Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa loogu hadlay sidii xiriir wanaagsan uu u dhaxmari lahaa Dowladd Goboleedka Galmudug, iyo Dowladdda Dhexe ee Soomaliya oo uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale waxaa kulanka diiradda Lagu Saaray Shirka ka dhacaya magaalada London ee Caasimadda Dalka ingriiska kaasi oo u dhaxeeya Dowladda Soomaliya, xubnaha qeybta ah iyo beesha Caalamka.

