Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku amaray madaxda maamul goboleedayda dalka ka jira inay soo Gudbiyaan khudbadaha ay kajeedinayaan shirka Magaalada London 11-ka bishaan ka dhacay si looga saxo oo aysan u baal marin hadafka Dowlada dhexe ee Federaalka Soomaliya.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in qoraalo uu u direy Madaxda Maamul goboleedyadda dalka ka jira islamarkaana uu ka codsaday In soo gudbiyaan khudbadaha ay ka jeedinayaan shirka Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda ayaa horey u sameeyay in mas’uul walba uu firkiradiisa kusoo bandhigo Shirarka ay isugu Yimaadaan ee ka dhaca Gudaha dalka iyo Caalamka.

