Galmudug oo Ka Shaqeynaysa Tayeynta Xarumaha Dowlada Hoose+Dhageyso

0

Wasiirka arrimaha gudaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono abaaraha iyo dhisida tayeynta xarumaha dowlada hoose ee maamulkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleydka Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo la hadlay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa shegay in uu tayeyn doono xarumaha iyo dhisida maamulada degaanada maamulkaas.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in ay gurmad la gareen dadka ay abaarta ba’an sameysay waxuuna intaa ku daray in ay u gurman doonaan shacabka ku nool degaanada uu maamulka Galmudug uu ka arimiyo.

Abaarta ba’an ee ka jirta Gobalada dalka ayaa saameyn ba’an ku reebtay dadka iyo duunyada walow ay jiraan dadaalo lagu doonayo in loogu gurmado dadka la dalaalaa dhacaya abaaraha ka jira gayiga Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here