Sarkaal sare oo ka tirsan militriga dalka Mareykanka ayaa sheegay in qeyb ahaan awooda Xarakada Al shaab ay wiiqeen howlgalka nabad ilaalinta midowga africa Soomaaliya ee AMISOM, intii lagu guda jiray shir uu qadka telephone-ka kaga qeyb galay madaxda ciidamada difaaca dalalka qaaradda africa kaa oo kadhacay magaalada Stuttgrat ee dalka Germany.
General Osman Nur Subagle oo ah taliyaha howlgalka AMISOM ayaa dhanka kale xusay in Xarakada Al shabaab ay ka kooban yihiin kuwa Soomaali dhalad ah iyo dagaalyahano ajaanib ah.
“Marwalbo oo aad la dagaalanto waxey ku milmaan bulshada si toos ahna AMISOM uma soo hor istaagi karaan, hadii aynu nahay AMISOM waxaan nahay bini’aadam, waxaan fiirineynaa bini’aadanimada iyo xuquuqda bini’aadanka”, ayuu shirka ka sheegay Genaral Subagle.
Waxaa Subagle uu xusay in sababta ay u sii jiraan ay tahay si’ ay ugu fogaadaan qasaare shacbiyadeed sidaas darteedna Al shabaab aysan awood laheyn.

