Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab in uu haatan ka socda deegaanka Mareerey oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolkaas.
Gudoomiyaha Degaanka Mareerey ee gobolka Shabeelaha hoose Siidow Baale Mayow oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in deegaanka uu dagaala ka socdo islamarkaana uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

