Shariif Xasan:-“Al-shabaab ayaa Hortaagan in dadka Gurmad Gargaar Helaan”

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay hortaagan yihiin in gargaar la gaarsiiyo shacabka Soomaliyeed ee ku nool deegnada koonfur galbeed Soomaliya.

Madaxweyne Shariif Xassan, Shiikh aadan waxa uu sheegay in Shabaab ay diidan yihiin u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta ee ku nool deeganada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana ay sababtay in dadku ay ka soo tagaan deeganada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, si ay u helaan gurmad.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in Maamulkiisa uu dhawaan qaadi doono dagaal Al-shabaab loogu saarayo deeganada Koonfur galbeed Soomaliya si dad loo gargaaro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here