Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in nin isku soo xiray Waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Warshadii Hore ee Nacnaca ee ku taala Gudaha Degmadaas.
Qaraxa ayaa la sheegay In uu fuliyay nin xirnaan Dharka tuutaha Ciidamada Malataiga Dowladda Soomaliya,islamarkaana uu gudaha u galay xarunta Warshadii Hore ee Nacnaca ee ku taala Gudaha Degmadaas oo haatan ay saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Malariga Dowladda Federaalka Soomaliya.
Askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen,kuna dhaawacmeen qaraxa uu fuliyay ninka isa soo miidaamiyay.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

