Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Dowladda Soomaliya ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka baay ayaa gacanta ku dhigay labo gaari oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa lana doonayay in lagu weeraro Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba ee Gobolkaas.
Korneel Muqtaar Maxamed Axmed oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka baay oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada gaari ee la qabtay mid uu ahaa kuwa waa weyn islamarkaana ay saarnaayeen waxyaabaha.
Waxa uu sheegay Korneel Muqtaar Maxamed axmed in Al-shabaab ay soo abaabuleen labada gaari ee laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa islamarkaana ujeedka uu ahaa in qaraxyo loogu fuliyo magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba.

