Maraakiibta India, iyo Shiinaha oo Weerar Ku ah Burcad Badeed Soomaliyeed

0

Maraakiibta dagaalka dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay si wadajir ah ay u soo badbaadin doonaan markabka ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida kaa oo ku socdaalayay xeebadaha gacanka cadmeed iyagoo xusay in ay weerari doonaan.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka india iyo ciidamada badda ee dalka shiinaha ayaa horay si wadajir ah u soo badbaadiyay markab ay weerar ku qaadeen kaa oo gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida xilli markabka la’afduubtay uu diray ishaaro tilmaameysa in xaalad qatar ah uu kujiro.

Taliyaha ciidamada badda ee dalka india oo ku wergeliyay waaxda taliska ciidanka badda ee xaruntooda tahay magaalada Mumbia ayaa xusay in markabkooda ganacsiga uu nabad qabo isagoo sheegay in howlgalo badbaadin ah in ay sameyn doonaan sida uu warbaahinta ugu waramay afhayeenka Ciidamada badda captain DK Sharma.

Dalalka Shiinaha,Hindiya iyo Japan ayaa tan iyo sanadii 2011-kii iska kaashanayay dagaalka looga adkoonaya burcad badeeda Soomaalida kuwaa oo sanadii 2008-dii markii ugu horeesay ka soo muuqday biyahha gacanka cadmeed.

Maraakiibtan shisheeye ee dagaalka ah kuwaa oo ka howlgala xeebaha dalka Soomaaliya ayaa sheegta in howlgal caalami ah oo loo ogolyahay in halkaa ay u joogaan iyadoo dowlada Soomaaliya aysan awood u laheyn xakameynta iyo ka warqabka howlahooda ku aadan burac badeeda Soomaalida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here