War Deg Deg:-Dad Shacab ahaa oo Ku Waxyeeloobay Qaraxii Wasaaradda Gaashaandhiga

0

Inta la xaqiijiyay 15-ruux oo shacab ahaa ayaa wax ku noqday qarax gaari loo adeegsaday oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Somaaliya oo ku taala Degmada Deyniile ee Gobolka banaadir.

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu qaarijiyo kolonyo uu la socday taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Maxamed Jimcaale Cirfiid, dadka wax ku noqday qaraxa gaari ayaa la socday gaari caasi ahaa oo marayay wadada Warshadaha ee Magaalada muqdisho, waxayna la kulmeen qaraxa wadada ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kolonyadda Ciidan uu sidoo kale la socday wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhig Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed, balse lama oga waxyeelada qaraxa kasoo gaartay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here