In kabadan 1,000 qof oo tahriibayaal kuwaa ku socdaalay badda madeterenianka ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Libya.
Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa intooda badan waxa ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda dalalka qaarada Africa sida ay sheegaty hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF.
MSF ayaa sheegtay in la helay meydka haweeneey kamid aheyd tahriibayaasha taasi oo saarneed doon ka sameysan caag.
Ku dhawaad 400 00 qof ayaa buux dhaafiyay dooni yar taa oo ku dhaweyd in ay quusto halka qaar katirsan muhaajiriintaasi ay siteen jaakadaha suufka ka sameysan ee dabaasha.
Howlgalkan badbaadinta ayaa waxaa ka qeyb qaatay maraakiib laga lahaa dalka spain iyo qaar katirsan ciidamada dalka talyaaniga.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa aad iso soo tarayay qulqulka muhaajiriinta ee u badan kuwo dalalka qaarada Africa.

