Maamulka Magaalada Hargeysa ee Somali-land ayaa Faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay roobabka gu’ga oo meelo badan oo Somaliland ah ka curtay.
Dooxada Dacar-budhuq ee u dhexeeysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa lagu soo waramayaa in gaari uu qaaday roobka ay ku geeriyoodeen labo Haween ahaa oo walaalo ahaa, kuwaasi oo gaariga saarnaa.
Gaariga daadku qaaday oo noociisa lagu sheegay Surf, ayaa waxa qaaday biyo xoog badnaa oo dooxa marayey, waxana halkaas ku geeriyooday laba hablood oo walaalo ahaa, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Asma Maxamed Yuusuf iyo Foosiya Maxamed Yuusuf.
Sida uu Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md. Axmed Abokor warbaahinta u xaqiijiyey, waxa ay labada haween ee geeriyooday ka yimaaddeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo usoo socday caasimadda Hargeysa, waxana lagu guuldarraystay isku dayo lagu badbaadinayey oo ay dadka deegaanku sameeyeen.

