Dowladda Soomaliya oo La Dagaalamaysa Cudur Dila Dowladnimada+Dhageyso

0

Madaxaweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay muhiimadaha ugu horeeysa dowladda inay tahay la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Hufnaanta maamulka, wuxuuna tilmaamay Madaxweynaha in Musuqu uu yahay Kansar dilaa ah oo dowladaha baabi’iya.

Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaal badan loo galayo in Soomaaliya ay safka hore ka gasho dowladaha ku caan baxaya la dagaalanka Musuqa iyo hufnaanta maamulka iyo dowlad wanaaga.

“Musuq-maasuqa waa kansar, waa cudur gala dowladda sidu cudurka kansarka u galo xoolaha iyo biniaadamka, ma jiro qof la noolaada kansar,hadii musuq-maasuqa badato dowladda way dhimataa, waxaan xiligaan diyaar u nahay in aan la dagaalano musuq-maasuq”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladihii dalka soo maray ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyn jiray in ay ku caanbaxeen Musuq-maasuq,waxaana jirey Hay’addo ka shaqeeya musuq-maasuqa oo Soomaliya kaalimaha kowaad galiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here