Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xabsi la dhigayo dadka sida qaldan gargaarka u gaarsiinayo dadka abaaraha ka soo barakacay, ee ku sugan xeryaha barakac ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xalay yeesheen Madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha amaanka Gobolka oo loogu hadlaayay amniga iyo Abaaraha ayaa tilmaamay in Mamulka uu soo saaray amar culus oo loo dirayo dadka si qaldan gargaarka u gaarsiinayo dadka abaaraha ka soo barakacay.
Xalane Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir waxa uu sheegay in aan la aqbali doonin dadka wax sadaqaysana islamarkaana gargaarka ay gaarsiiyaan goobaha barakaca dadka u daadinaya sida xoolaha oo kale.
“Waxyaabaha laga hadlay waxaa kamid ah in si qaldan gargaar loo bixinin, oo dadka loo daadinin gargaarka,waxyaalahaas waxaa mamnuuc cidii lagu arkana waa xarig”, ayuu yiri Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

