Dowladda Kenya oo Loogu Baaqay in ay Mas’uuliyad Iska saarto Qaxootiga

0

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International oo war kooban soo wada saaray ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay iska saarto mas’uuliyad islamarkaana aysan ku xadgubdin Qaxootiga Soomaliyeed.

Hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha waxay kaloo sheegeen inaan Qaxootiga lagu khasbin inay dib loo soo celiyo, lana dhowro sharuucda caalamka Iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ku joojisay in la xiro Xeradda qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 249,000 oo Qaxooti Somali ah.

Mr Bill Frelick waa Agaasimaha Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch waxa uu ugu baaqy dowladda Kenya in aysan ku xadgubdin Qaxootiga Soomaliyeed, islamarkaana ay meesha ka saaraan in la xiro Xiradda qaxootiga Dhadhabaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu eedeeyay in ay ku xadgudubto qaxootiga Soomaliyeed islamarkaana ay ku qasabto In ay dib ugu soo laabtaan gudaha dalkooda, madaama ay sheegtay in xeryaha qaxootiga ay gabaad ka dhigtaan Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here