Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmajo oo maanta ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka qaarada Africa ayaa waxa uu talaalay geed isagoo sidoo kalena gacantiisa markii ugu horeesay ku waraabiyay.
Geedka ayaa waxa uu ku beeray xarunta dhexe ee qaramada midoobay ay ku leedahay magaalada Nairobe ee Caasimada dalka Kenya.
Dowlada Soomaaliya oo saaxiib dhaw la’ah qaramada midoobay taa oo sii xoojisay imaantinkii xoghaya cusub ee qaramada midoobay Antonio Guterres ee magaalada Mogadishu ayaa waxaa geedka uu abuuray madaxweynaha soomaaliya loo rajeeyay in uu noqdo midkii koro oo xoogeysta.



