Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Oo Xukun Dil ah Lagu Riday (Dhageyso)

0

Waxaa maanta xukuno dil ah lagu riday C/laahi Xasan Maxamed iyo Daahir Maxamed Maxamuud oo kamid ah ciidamada dowladda soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxa ay maanta si rasmi ah ugu fariisatay Dacwad ciqaabeedkii loo heystay C/laahi Xasan Maxamed iyo Daahir Maxamed Maxamuud.

Askartaan ayey maxkamadu sheegtay in ay ka danbeeyeen dil dhawaan saldhigga Booliska Degamada Howladaag ee Gobolka Banaadir logu geystay Saacid Maxamuud Suufi oo ahaa Askari tirsan Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, waxana sidoo kale ay dhawaaceen Gaashaanle Salaad Faarax Xaashi oo ah Taliye xigeenka saldhiga Booliska Howlwadaag.

Maxkamadda markii ay dhageysatay marqaatiyaashii la horkeenay, ayna aragtay cadeymaha la xiriira dacwadan, waxay ku riday Labadan Askari xukun dil ah.

Waxaa xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here