Wararka ka imaaanaya gobolka jubadda hoose ayaa ku waramaya in al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaal xoogan ayaa xaley ka dahcay deegaan waxana la sheegay in deegaanka ay gacanta ku hayeen ciidamada maamulka jubaland.
Dagaalka oo saacad ku dhawaad qaatay waxaa la sheegay in uu geystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana la xaqiijiyay in 2 askari oo ka tirsan ciidamada jubaland ay ku dhinteen dagaalka.
Weli maamulka jubaladn faafaahin kama uusan bixin dagaalka lagula wareegay deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

