Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta Kusii jeeda Dalka Kenya+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa in ay ka ambabaxaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee aadan Cadde.

Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdigiisa ayaa kusii jeeda Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya, waxa uuna halkaa kula kulmi doonaa Madaxda Dowlada Kenya oo casuumaad u sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Kenya kulmi doona dhigiisa dalkaas Uhuru Kenyata waxayna kawada hadli doonaan arrimaha dalalka Kenya iyo Soomaliya, dhinacyadda amniga iyo hormarka.

Kulan uu la qaadanayo dhigiisa dalka Kenya kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas uga qeybgalaaya shir caalami ah oo looga hadlaayo Arrimaha Qaxootiga Somalia.

Shirka uu ka qeybgali doono Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa furmi doona Taariikhda ay ku beegan tahay 25-ka March kaa oo looga hadlaayo arrimaha Qaxootiga oo Soomaliya ay kamid tahay.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magaalada Nairobi kula kulmi doona Madaxda dalalka Ethopia, Uganda kuwaasi oo ay Ciidamo ka joogaan gudaha dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here