Farmaajo oo Baarlamaanka ugu Baaqay in ay Ansixiyaan Wasiirada Si Labo Arin Wax Loogu Qabto+Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo dhaweeyay Golaha Wasiiradda Cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre uu soo magacaabay Golle wasiiro oo tayo wanaagsan islamarkaana dalka ka samata bixin doono.

“Shacabka Soomaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan Golaha Wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya,sidoo kale waxaa ugu baqayaa Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya in ay codka kalsoonida siiyaan Golaha wasiirada cusub si ay shaqadooda u qabsadan, runti xiliyadii hore waqti badan ayaa lagu dhumin jiray magacaabista Golaha wasiirada”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in hadii ay Golaha shacabka baarlamanka Soomaliya ay ansixiyaan Golaha wasiirada ay fududaan doonto in Dowladda ay wax ka qabato weerarada Xarakada Al-shabaab iyo Abaaraha xiligaan dalka ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here