Ciidamada Dowlada oo Ka Qeyb Qaadanaya u Gurmashada Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

0

Qaar kamid ah Ciidamada Qaranka dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya u gurmashada dadka abaaraha ay saameeyeen kuwaa oo deegaano kamid ah gobalada dalka gaaray si ay u caawiyaan Shacabka abaarahu daashatay.

Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa deeganada ay gaareyn waxa ay dadka ku nool gaarsiiyeen biyo iyagoo geeyay gawaarida booyadaha ee biyaha qaada iyo haamooyin-ka la qaadi karo kuwoo oo lagu doonsiiyay bulshada deegaanada ay tageen kunool oo abaaruhu sida ba’an u saameysay.

Talaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid muujineysa ifafaalo dowlad-nimo oo u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed oo in kabadan 25 sano lataala dhaceysay burbur iyo dowlad la’aan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here