Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay soo magacabay golihiisa Wasiirada oo muddoo la sugayay ayaa sheegay in tirakoob lagu sameyn doono hantida ay leeyihiin Wasiirada cusub, hadii ay tahay guurto iyo ma guurto.
Xasan Cali kheyre Raisulwasaaraaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in isla xisaabtanka laga bilaabo doono isaga iyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
“Qofka Wasiirka ah waxaa uu buuxinayaa shax la xiriirta caddeynta hantidiisa guurtada iyo ma guurtada, Waxaa kaloo laga saxiixi doonaa qoraal ku wajahan mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaarad walba, waxaa kaloo uu saxiixi doonaa wasiirka ama wasiiradda waajibaadka qarinta xogta iyo sirta qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in wasiirkii lagu ogaado in inuu sirta qaranka bixiyo, ay Xukuumadda uu madax u yahay ay shaqada ka ceyrin doonto.

