Dowladda Mareykanka ayaa si diiran usoo dhaweysay Golaha wasiirada Cusub ee Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan cali kheyre uu maalinimadii shalay aheyd uu ku dhawaaqay.
Mareykanka ayaa sheegay Somaliya inay umuuqato inay cagta saartay waddadii horumarka, sidoo kalena wasiirrada inay ka shaqeyn doonaan dhismaha nabadda iyo sidii barwaaqo loo gaari lahaa.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howl-galka Maraykanka ee Somaliya,waxaa lugu muujiyay dowladda Mareykanka inay diyaar u tahay sidii ay ula shaqeyn lahayd xukuumadda cusub ee u hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare,Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah Dowladaha garab taagan Dowladda Federaalka Soomaliya waxayna Soomaliya ka gacan siiyaan dhanacyadda hormarka iyo amniga.

