Madaxweynaha Puntland oo Beeniyay in Imaaraadka uu u Gacan Galiyay Dekadda Boosaaso

0

Mdaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Somalia Cabel ayaa si kulul u beeniyay in maamulkiisa uu heshiis la galay Dowadda Imaaraadka Carabta oo ku aadan in imaaraadka uu la wareego Maamulka Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari.

“Dowladda Imaaraadka waxaa ay naga taageertaa dhinaca tababarka ciidanka badda, wax qarsoona ma ahan, laakiin saldhig military oo Imaaraadka uu leeyahay ama ay nagala hadleen ama laga dhisi doono Boosaaso midna ma jiraan”, ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale Tilmaamay in jiraan dad kasoo horjeeda hormarka Puntland islamarkaana faafinaaya wararka ku aadan in la wareejiyay maamulka Dekada magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, islamarkaana lacago aad u fara badan ay Puntland ka faaidey heshiiskaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here